Maxay doorashadu uga dhigantahay shacabka oo ay ka filayaan?

Muqdisho (RH)-Maanta oo Axad ah 15-ka May waxay u tahay bulshada Soomaaliyeed maalin weyn oo ay sugayaan inuu soo baxo madaxweyne Soomaaliya ka saara dhibaatoooyinka muddada dheer dalka ka taagan,sida shaqo la'aanta dhalinyarada, abaaraha, amniga, dhamaystirka dastuurka wax ka qabashada lacagta iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah dalka iyo dadka. Doorashada oo muddo soo jiitamaysay waxay hadda ku soo aadday xilli xasaasi ah oo qofkii madaxweyne noqdaa ay horyaallaan wax ka qabashada arrimo ay ka mid yihiin kuwa aan soo xusnay.

Dadku gudaha dalka iyo dibadiisa si aad ah ayay u hadal hayaan doorashada,oo waxaa muuqanaya in doorashadaan ay wax badan kaga duwantahay doorashooyinkii ka horeyay,maadama ay ku tartamayaan musharrixiin ku dhow 40. Tirada badan oo musharraxiinta ayaan la filayaa inay horseeddo in la isla aado wareegyo kala duwan taas oo waqtigana dheeran karta.

Maxay doorashadu uga dhigantahay shacabka oo ay filayaan?

Rajada dadka ayaa ah mid inta badan ku salaysan in wax laga qabto baahiyaha ay dareemayaan ee waqtiga dheer ay la daaladhacayaan,waxayna uga dhigantahay doorashadan in qofka ku soo baxo ay ka filayaan inuu wax badan ka badalo xaaladda dalku uu ku jiro isla markaana uu xoogga saaro amniga dhistaanka ciidamada iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada. Sidoo kale maanta waxay doorashadu ku soo beegantahay 79-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ururka Dhallinyaradii SYL, sidaas darteed ayaa dhalinyaro badan waxay si gaar ah u muujinayaan in ay wanaagsantahay in doorkoodu uu noqdo mid muuqda.

Marka laga soo tago shacabka qaar ka mid ah siyaasiinta iyo xildhibaanno la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in mas'uuliyadda saaran xildhibaannada ay tahay in ay doortaan madaxweyne dalka u horseeda horumar dhinacyo badana kana dhabeeyo waxyaabaha uu ballan qaaday maadama murashixiintu ay dhamaantood samaeyeen ballan qaadyo ku qotoma wax qabad haddii ay guulaystaan.

Sidoo kale aqoonyahanka Soomaalida ayaa ka mid ah dadka rajada weyn ka qaba in la doorto madaxweyne wax ka qabta baahiyaha bulshada.Professor,Xuseen Axmed Warsame oo wax ka dhiga jaamacadda Calgary ee dalka Canada oo dhawaan ka qayb galayay barnaamijka doodda ee BBC-da ee waxay ila tahay ayaa tilmaamay in uu filayo in madaxweynaha yimaada la isxtiraamo qofkii xushmad u muujin waayana meel looga soo wada jaysto.

"Marka ugu horeysa qofka baarlamanaku ay dooranayaan waa inuu noqdaa qof caddaalad dalka ku xukuma,laba waa inuu noqdaa qof dadka gaajada ka saari kara oo waa inuu dhaqaale sameyn karaa,waa inuu abaaraha wajihi karaa oo si degdeg ah u wajihi karaa midda saddexaad oo dadku ay aad iyo aad u doonayaan waxaa weeye in doorasho dambe aaney ku dhicin qaab dadban."ayuu yiri Professor,Xuseen.

Dr. Hodan Ciise oo iyana ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa xoojisay hadalka Professor,Xuseen Axmed ee ah in madaxweynaha la dooran doono uu si dhab ah u wajaho wax ka qabashada dhibaatooyinka taagan oo ay abaartu ugu horeyso. Waxay sheegaty in muhiim ay tahay in marka hore diiradda la saaro dhanka kobcinta dhaqaalaha oo ay bulshadu qabto baahi weyn. "

Dhaqaaluhu wuxuu horumarinayaa dadka oo shaqo ayuu abuurayaa oo waxaa imaanaya koritaan dhaqaale oo joogta ah waa ayaan darro inaga oo haysanna badda ugu dheer in kaluunkeennii iyo xoolaheenii la dhoofiyo marka dhaqaaluhu wuxuu u baahanyahay istraatijiyad weyn" ayay tiri Dr. Hodan Ciise

Xiggasho: BBC

Category