Maxay ka wadahadli doonaan Xasan Sheekh iyo Recep Tayyip Erdogan?

Ankara (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Turkiga, kaddib markii uu casuummaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan.

Labada madaxweyne ayaa si gaar ah ugu wada hadli doona xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal, in la adkeeyo iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo waxyaabo kala.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyanaaaha Turkiga ay ka wadahadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal, arrimaha amniga, diblumaasiyadda iyo mid dhaqaaleba.

Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay Turkiga la filayaa in uu booqdo xerada lagu tabbabaro ciidamada Soomaaliya ee halkaa tababarka u joogo.

Xiggasho: BBC

Category