Nin xalay gaari ku jiiray Hadeslev- Denmark

"Si kasta oo gargaarka degdega ah loo fidiyey, nolosha ninkan 51-jirka ahaa laguma badbaadin karin, waxaana isaga oo isbitaalka jooga la xaqiijiyey geeridiisa.

Hadda, boolisku waxay raadinayaan marqaatiyaal ku sugnaa aaggaas waqtigaas.

"Waxay noqon karaan marqaatiyaal arkey ninkan 51-jirka ah waqtiga ka horreeya fal-dembiyeedka, laakiin sidoo kale waxay noqon karaan dad arkey baabuur si dhaqso ah uga baxay goobta, ama dad iyagu wadada marayay waqtigaas," ayuu yiri sarkaalka heeganka ah ee Booliiska Koonfurta iyo Jyllandka Koonfureed, Torben Møller."

"nin kan oo ah 51-jir ayaa la jiirsiiyay gaari waddada Laurids Skaus, taas oo ku taal cidhifka  magaalada Haderslev.

Ma cadda goorta ay dhacday, laakiin wargelinta mid kami ah darawalada basaska ayaa soo gaartay booliiska saacaddu markay ahayd 23:59.

Booliska ayaa tan iyo markaas ka shaqeynayay goobta, qeybo ka mid ah waddada Laurids Skaus ayaana la xiray intii baaritaanka socday.

Hoggaaminaya koox baarayaal ah, waxay halkan ka wadaan raadinta caddeymo farsamo iyo uruurinta muuqaalada kameradaha ilaalada.

"Waxaan u baahanahay inaan eegno wax kasta oo muuqaal ah oo goobta yaal. Waxaan horay u xaqiijinnay ilaalada kameradaha muuqaalka ah, halkaas oo aad ka arki karto gaadiidka agagaarka goobta falku ka dhacay," ayuu yiri.

"Ma oga haddii ay wax lug ah ku leeyihiin kiiska, laakiin waxaan jeclaan lahayn inaan maqalno dadka ku wareegayay aaggaas," ayuu yiri taliyaha howlgalka Torben Møller.

Intaa waxaa dheer, boolisku waxay si gaar ah u raadinayaan darawalka gaari cad oo leh nal digniin ah oo oranji ah oo marayay aagga wakhtiga wargelinta.

Qofkaas ayaa laga yaabaa inuu hayo macluumaad muhiim u ah kiiska.

Raad kale oo baaritaanka ah ayaa ku saabsan in la caddeeyo socodka ninka 51-jirka ah. Waxaa lagu tilmaamay inuu yahay nin buuran, madaxa xiiran, oo gadh leh, cidii aragtayna habeenkii Jimcaha waxaa lagu boorinayaa inay la xiriiraan booliska  telefoonka 1-1-4.

Marxuumku waxa uu ka soo jeedaa deegaanka Hadeslev, eheladiisana waa la ogeysiiyay."

Category