Sawirro: Hargeysa oo markii ugu horreysay lagu qabtey tartanka feerka

Hargeysa (RH)-Magaalada Hargeysa, waxaa ka socda tartankii ugu horreeyay ee feerka ah, waxaana ka qeybgalaya cayaartoy kala matalaya koox ka dhisan magaalooyinka Hargeysa iyo Gebilay.

Tartanka ayaa shaley waxa uu si rasmi ah uga billowday Garoonka Tima Cadde ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb galay boqollaal qof oo tartankan aad u xiisaynayey.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax.oo ka hadlay furitaanka tartanka ayaa sheegay in tartankan la joogteyn doono si loo helo cayaartoy taqaanna cayaarta feerka.

Waxa uu sheegay in la sameeyay nidaam lagu maamulo cayaarta ayna ka taxaddareen sidii loo ilaalin lahaa bedqabka tartamayaasha, ayna diyaariyeen agabkii muhiimka u ahaa oo ay ka taxaddareen in waxyeello ay soo gaarto dhallinyarta tartamaysa, si gaar ah caafimaadka.

Wasiirka ayaa sheegay tartanka in ay ka qeybgali doonaan ilaa sideed tartame kuwaasoo wada cayaari doona laba laba, kadibna loo soo gudbi doono wareeggii koowaad afar tartame.

Wasiirka ciyaaraha ee Somaliland ayaa sheegay in abaalmarin la guddoonsiin doono tartamaha ku guulaysta tartankan oo maalmo ka socon doona magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, Qaar ka mid ah dadkii u soo dawasho tegay cayaarta furitaanka ayaa soo dhaweeyay tartanka, waxaana ay sheegeen in tartamada noocan oo kale ay soo saari karaan cayaartoy ku xeel dheer cayaarta feerka.

Cayaaraha feerka ayaa ka mid ah ciyaaraha loogu jecel yahay ee adduunka laga ciyaaro, kuwaas oo ay xiiseeyaan taageerayaal aad u tiro badan.

 

Hargeysa oo markii ugu horreysay lagu qabanayo tartanka feerkaHargeysa oo markii ugu horreysay lagu qabanayo tartanka feerka

Radio Hormuud

Studio 3

Hargeysa Somaliland

 

Category