Maxaa ka soo baxay kulan degdeg ah oo ay midowga musharixiinta iyo raysal wasaaraha yeesheen?

Muqdisho (RH)-Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay khilaafka hareeyay doorashada guddoonka golaha shacabka oo lagu waday maanta in ay ka dhacdo xerada Afisyooni ee magaalada Muqisho.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo masuuliyiin kale ayaa looga hadlay sida laga yeelayo doorashada, waxaana uu kulanka uu ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Dhinaca kale,Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ciidammada ammaanka ka codsaday inay xildhibaannada u sahlaan inay gaaraan teendhada lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka golahaasi.

Danjire Cabdialaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa sheegay in xildhibaanno aan badnayn ay illaa hadda halkaas soo gaareen, waxaana uu xildhibaannada ka codsaday inay hoolka yimaadaan.

Dhanka kale gudoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golasha Shacabka ayaa isna ku adkaystay in qorshihii doorashada maanta uusan waxba iska badelin.

Inta badan xildhibaannada golaha shacabka ayaa soo gaaray xerada Afisyooni, waxaana la filayaa in doorashada ay dib u dhacdo waqtiga lagu ballamay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category