Deegaanada kala duwan ee  Somailand Oo Si Nabada looga Ciiday

Hargeysa(RH):-Waxaa maanta si nabada looga ciiday guud ahaan gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland.

Masuuliyiinta kala duwan ee heer gobol iyo heer degmo ee deegaanada  Somaliland ayaa shacabka kala qaybgaley tukashada saalada ciidul-Adxaha.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal Adxaha .

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo siyaasiyiin kale, ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, halkaas oo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan shacab ahi, waxana uu madaxweynuhu bulshada u jeediyey khudbad uu diiradda ku saaray muhiimadda iskaashiga iyo wada-jirka bulshada reer Somaliland iyo sidii ay ugu dedaali lahaayeen inay gacmahooda wax kula soo baxaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay carqaladda uu maamulka Soomaaliya ku sameeyey dadkii reer Somaliland ee sannadkan xajka tegi lahaa, waxana uu dawladda Sucuudiga u diray farriin cad oo la xidhiidha in Jamhuuriyadda Somaliland loo madax bannaaneeyo arrimaha la xidhiidha xujaydeeda, siyaasadda laga daayo cibaadada

 

 

Category