Sawirro: Wafdi wasiiro iyo xildhibaanno oo tegay Buuloburde

Buuloburde(RH)-Degmada Buula Burte ee gobolka Hiiran ee bartamaha Soomaaliya, waxaa maanta barqadii tegay wafdi ay hoggaamineyso guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiye Salaad Samatar, waxaana ay u tageen magaaladaas si ugarab istaagi lahaayeen ciidamada xoogga dalka iyo dadka shacabka oo dagaal kula jira ururka Al-Shabaab.

Wafdiga waxaa kale oo ku jira labo wasiir oo kala ah wasiirka batroolka Cabdirsaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye. 

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde kusoo haweeyay Xildhibaanno uu kamid yahay Maxamed Ibraahim Macalimuu, Saraakiil Ciidan, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sida saxaafadda maxalliga ay baahiyeen, wafdigan ayaa Buulo burte u tagay siddii ay qeyb uga noqon lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay dhiiro gelinayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Wafdi wasiiro iyo xildhibaanno oo tegay BuuloburdeWafdi wasiiro iyo xildhibaanno oo tegay Buuloburde

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in howlaha ugu badan ee sannadkan qaban doonto uu noqon doono siddii Shabaab looga saari lahaa gobollada dalka ay ka joogaan, waxaana billowday duulan ballaaran oo ay qeyb ka yihiin dadka deeganka iyo ciidamada xoogga.

Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia

Category