Laba arrin oo Yurub sheegtay in ay ku aqbalayaan Soomaalida isdhiibeysa

Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan dadka magangalyo doonka ah ayaa sheegtay laba arrin oo loo fiirin doono dadka ka yimaada Soomaaliya ee magangalyo doonka ah.

Midka koobaad ayaa ah, dagaalka haatan ka socda Soomaaliya ee dawladdu la gashay al-Shabaab iyo gudniinka fircooniga ah. Xogtaan ayaa waxaa bogooda ku daabacay hay’adda magangalyo doonka ee Midowga Yurub.

Waxay sheegeen Midowga Yurub in tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ha ururka al-Shabaab bishii August ee sanadkii 2022 kii, uu sare u kacay xubnaha al-Shabaab ee doonaya inay kooxda ka goostaan, una wareegaan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, dadkaas ayay sheegtay inay wajahaan marar badan qaar qataro amni.

Qaar kamid ah gobolada Soomaaliya ayaa waxaa ka socda waqti xaadirkaan dagaal ka dhan ah kooxda al-Shabaab taas oo saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah ee degan goobaha ay dagalaadu ka socdaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku wargalisay shacabka degan magaalada Ceelbuur iyo deegaanada u dhaw in ay isaga baxaan guryahooda, maadaama ay suuragal tahay in ay waxyeelo ka soo gaarto duqaymaha ay la beegsanayaan al-Shabaab oo ay gacan ka gaysanayaan saaxiibada Soomaaliya.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa sheegay in gabdhaha iyo haweenku ay wajahaan arrin aad u xanuun badan oo ay ku tilmaameen gudniinka fircooniga ah, taas oo lagula kaco gabdha gudaha waddanka Soomaaliya. Hay’addu waxay sheegtay in gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in laga ilaaliyo ficiladaas.

Labada qodob ee ay tixgalin doonaan wadamada Midowga Yurub ayaa waxaa la isla qaatay kadib warbixin dhawaan laga soo saaray xaalka amni ee Soomaaliya iyo ficilka mar walba soo noqnoqda ee gudniinka fircooniga ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in sanadkii 2022 kii ayaa dad Soomaali ah soo gudbisteen codsiyo gaaraya 1700.

xigasho BBC

Category