Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweysay tallaabada Dawladda Maraykanku ay  Ciidamadeeda ka gala baxayso Soomaaliya.

Sidaasina waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuryadda Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka Radio Hormuud Waxaanu u dhignaa sidan:-

Hargeysa(RH)-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ku Xidhay Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ahna musharrax Madaxweyne u taagan doorashada dalkaasi .

 

Ciidanka ayaa qabtay Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, waxaana loo gudbiyey xarunta dembi-baadhista.

Hargeysa(RH):-Sida aynu Ka War Qabno 19 November waxa kasoo kacay Waqooyiga Badeweylnta Hindiya iyo Gacanka Carbeed Duufaanta Loogu Magac Daray GATI taas oo ay Shaaciyieen Hay’adaha Saadasha Hawadda ee ay ka mid tahay NASA, World Meteorological Organization (WMO) iyo kuwo kale.

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland  Ayaa maanta galinkii hore dil qisaas ah ku fulisay lix gacan ku dhiigle oo ku jiray Xabisga Mandheera.

 

Lixda qof ee dilka lagu fuliyey ayaa waxa hore xukun dil ugu riday Maxkmaddaha  kala duwan ee Somaliland gaar ahaana kuwa Hargeysa iyo Burco. Waxana dil toogashada ah lagu fuliyey Alle ha u naxariistee lixda maxabuus oo magacyadoodu kala ahaayeen.

Hargeysa (RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo hawlo shaqo ku joogay qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Togdheer ee Burco, waxana halkaas si aan kala hadh lahayn oo waddaniyad iyo jacayl ka muuqdo ugu soo dhaweeyey guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco oo isku duuban.