Madaxweynaha Kenya oo oofiyay mid ka mid ah ballamihii uu ka qaaday Soomaalida

Nairobi (RH)- Madaxweynaha Kenya, William Samoei Arap Ruto, ayaa markii xilkan loo doortay bil kahor, waxa uu Soomaalida iyo Muslimiinta kale ee Kenya u ballan-qaaday dhowr arrin, oo ay ku jirto inuu wax ka qaban doono dilalka aan kala sooca lahayn iyo dadka la waayo meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Ruto oo muddo toban sano ah ahaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya, ayaa si dhaw ula socday cabashooyinka ay soo gudbin jireen waaliddiin iyo ehelo dadkoodii la dilay ama la waayay.

Ballan-qaadkiisa ah inuu ku dedaali doono joojinta falalka dadka sida qarsoodiga ah loo kaxaysto ee mar qura la waayo iyo dilalka aan maxkamad loo marin, ayaa dad badan rajo-gelisay, taas oo fulinteeda uu ka dhabeeyay kaddib markii uu kala diray ciidamadii arrintaas lagu eedayn jiray.

Bartamihii bishii Agoosto, markii la shaaciyay in William Ruto uu ku guulaystay doorashadii madaxtinnimada, ayaa wasiirka gaashaandhigga ee magacaaban ee Kenya, Aadan Barre Ducaale, oo saaxiib dhow la ah Ruto, ololaha doorashadana kula jiray, waxa uu BBC-da u sheegay inay kasoo bixi doonaan ballantii la qaaday.

"Maanta waxaan u sheegayaa ummadda Soomaalida ah sida aan ballan-qaadnay, arrinkii kibaandhaha iyo baasaboorka ee ummadda Soomaalida ah lagu kala soocayay iyo ummadaha Kenyaanka ah way dhamaan doontaa," ayuu yiri Ducaale

"Weliba waxaan sameynaynaa guddi soo baari doona raggii ka dambeeyay dilkii faraha badnaa ee lagu sameeyay ummadda Soomaalida iyo ummadda muslimiinta in dib loo baaro oo raggaas maxkamad la keeno, hooyooyinkii iyo haweenkii raggooda iyo wiilashooda ay maqan yihiinna dib loo keeno," ayuu sii raaciyay.

Siduu ku yimid go'aanka madaxweynaha?

“Waxaan wadnaa qorshe aan ku xoojinayno ammaanka gudaha Kenya, si aan uga hortagno inaan ku ceebayno dadka Kenyanka ah in ciidanka booliska ay shacabka dilaan, meydadkoodana lagu daadiyo webiga Yala iyo meelo kale,” ayuu madaxweynaha jamhuuriyadda Kenya, William Ruto yiri markii uu kala dirayay ciidamada gaarka ah ee booliska ee ka tirsanaa waaxda sirdoonka ee dalka.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay isbeddelka dhanka hoggaanka, xilli maamulka cusub uu qorsheynayo inuu dib u habeeyo maareynta waaxda ammaanka ee dalka.

Waxa uu sheegay in ciidammadaas uu kala diray ay mas’uul ka ahaayeen dilalka aan kala sooca lahayn iyo dadka la waayay ee markii dambe maydadkooda laga helay deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan sida tuulooyinka ka ag dhaw webiga Yala.

Tallaabada madaxweynaha ayaa imaanaysa kaddib markii ay soo gaartay warbixinta baaritaan lagu sameeyay labo muwaadin oo u dhashay waddanka Hindiya oo la waayay iyo ninkii ay martida u ahaayeen oo waday gaari ay ku socdaalayeen.

Warbixinta ayaa ku talabixisay in la kala diro qeybtan booliska ka tirsan si ay u sahlanaato in baaritaanka la dhammeeyo kahor inta aan galka dacwadda loo gudbin dacwad-oogaha guud ee Kenya.

Maxay qaban jireen ciidammadan la kala diray?

Kaddib markii la kala diray ciidamadii lagu magacaabi jiray Flying Squad ee booliska Kenya – kuwaas oo raadinta xogta sirdoonka ka sokow la tacaali jiray dambiyada ka dhaca gudaha dalka, ayaa horseedday in la sameeyo waaxdan gaarka ah ee booliska, taas oo lagu billaabay konton sarkaal oo si heer sare ah u tababaran.

Qeybtan ayaa loo xilsaaray inay wax ka qabato dambiyada culus sida hubka wax lagu dhaco, afduubka iyo xatooyada baabuurta ee ka dhaca magaalada Nairobi iyo deegaannada ku xeeran, hase yeeshee, mas’uuliyaddoodu waxay inta badan ka gudubtay Nairobi.

Waxaa loo igmaday inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha kale ee ammaanka si looga hortago dambiyada iyo inay keenaan xog sirdoon, iyo sidoo kale inay wax ka qabtaan dambiyada sida degdegga ah u dhaca.

Maxaa loo kala diray?

Waxaa jiray shaki ahaa in waaxdan booliska ay ku lug lahaayeen dilal aan kala sooc lahayn iyo dad Kenyaan ah oo la waayay, iyadoo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku taliyeen in baaritaan lagu sameeyo arrintaas.

Bilihii Abriil iyo May ee sanadkii 2019, kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa wareysatay 35 qof, oo ay ku jiraan dad goobjoogeyaal ahaa, xubno ka tirsanaa qoyska dhibbaneyaasha, dhaqaatiir iyo howlwadeennada bulshada, dadka xuquuqda u ololeeya, iyo askar boolis ah oo uu ku jiro afhayeenka booliska ee Nairobi.

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay si dhow ula shaqeysay hay’adaha ay shaqo wadaagta yihiin ee ka howlgala degmooyinka Dandora iyo Mathare ee magaalada Nairobi si loo aqoonsado dhibbaneyaasha iyo qoysaskooda.

Waqtigaas qof ganacsade ah, booliskana warka u geeya ayaa hay’adda u sheegay in ciidamadu ay haystaan liis ay ku qoran yihiin dad ay qorsheynayaan inay dilaan oo ay ku jiraan tuugo, iyo weliba rag iyo dumar ay askartu is afdhaafeen.

Human Rights Watch ayaa sidoo kale diiwaangelisay dilalka aan sharciga ahayn ee la xiriira rabshadaha doorashada iyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Nairobi, gobolka Waqooyi-bari, iyo gobolka xeebta.

Waxaa la sheegay in cutubkan askarta booliska ay sidoo kale ku lug lahaayeen falal dambiyeed hub loo adeegsaday oo ka dhacay deegaanka Matu, halkaas oo ay ku weerareen shirkad gaaska ka shaqeysa, taas oo ay ka xadeen in ka badan 370,000 oo lacagta Kenya ah iyo kiisas kale. Askartaas ayaa markii dambe hub laga dhigay maxkamadna la geeyay.

Maxay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha?


Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International xafiiskeeda Kenya ayaa taageertay kala dirista ciidamadan, halka dhanka kale ay kula talisay booliska inuu dib u eego dhaqdhaqaaqyadii ciidamadii la kala diray oo ay meel fagaare ah uga jawaabaan eedaha ah in kooxdaas ay mas’uul ka aheyd dadka la waayay iyo dilka aan loo meel dayin ee lagula kacay dad badan oo laga shakisanaa ayay hay’adda xuquuqul insaanka ku daabacday barteeda Twitterka.

Webiga Yala ee mara gobolka Nyanza ayaa sanadkii la soo dhaafay ay in badan hadal-haysay warbaahinta kaddib markii laga helay meydadka dad halkaas lagu daadiyay.

Kaddib cabasho dadka Kenya ay ku soo bandhigeen baraha bulshada ee ku saabsan meydadka laga helay webiga, ayaa hay’adaha u doodda xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay Haki Afrika, waxa ay tageen deegaanka Siaya ee Kenya si ay ula socdaan xaaladda.

Hay’adda ayaa ku andacootay in maydadka 21 qof ay ka heleen qolka meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaankaas, kuwaas oo lagu xirxiray xarko, qaarkoodna jawaanno lagu xiray, halka qaarna uu jirka meelo ka go’naa.

Hay’addu waxa ay sheegtay in ay ka xaqiijisay goobta meydadka la dhigo in bishii Oktoobar ee sanadkii tegay ay aastay sagaal meyd oo laga helay webiga oo lagu aasay hal qabri.

Xigasho: BBC

Category