Muxuu qofka ku keenaa fadhiga xiliga dheer?

Nairobi (RH)-Aduunyada aan ku noolnahay haatanma ahan sidii ay ahaan jirtay xiliyo hore. Waagii hore dadku way socon jireen, suuqa ayay tagi jireen, beer falasho, ugaarsi, iyo waxey gali jireen safar lug u badan.

Dunida casriga ah ayaa waxay haatan keentay iney dadku fadhiyaan inta badan, haddii dadku rabaan iyo haddii kalaba.

Dad badan ayaa saacado badan ku qaata baabuurta, goobaha waxbarashada, xafiiska, guriga gaar ahaan marka la daawanayo TV-ga.

Saynis yahanada iyo khubarada caafimaadku, ayaa waxay caddeeyeen in fadhiga badan uu keeni karo xaalado xun oo caafimaad oo tiro badan, kuwaasoo daciifin kara qofka.

Khabiir lagu magacaabo Dr. Udodi Okoli, ayaa sidoo kale sheegay in “fadhiga saacado badan uu qofka ku keeni karo dhibaato xagga laf dhabarta, gaar ahaan haddii aanu qofku si fiican u fadhiisan, ama aanu u isticmaalin kursi looggu talo galay inuu si raaxo leh ugu fariisto”.

Waxa uu sheegay in haddii qofku uu saacado badan hor fadhiyo kombuyuutarkiisa, oo aanu madaxiisa ama luquntiisa u dhigin sida saxda ah, in qoortu ay iman karto inay dhaawacanto.

Okoli ayaa sheegay in isku dayga in uu istaago, oo uu wareego qofku ay gacan ka geysan karto yareynta xaaladahan.

Waxa kale oo uu sheegay in dhaqdhaqaaqa jirka ee qofka oo yaraada, ay keeni karto in ruuxiisu hoos u dhaco, ama ay saamayn xun ku yeelato caafimaadka maskaxdiisa.

Xigasho: BBC

Category