Digniin: Booliiska Denmark oo ka digaya in aad qofkale kacaawiso in aad koontadaada Lacag ugu shubto.

RH: Hal sano iyo badh kadib , qorshuhu waa in la joojiyo isticmaalka waraaqaha 1000-krone ee Denmark.

Hadaba, booliisku waxay ka digayaan in dambiilayaashu ay ka faa'iideysan karaan xaaladdan si ay u galaan dambiyo dhaqaale, oo ay ku jiraan lacag dhaqid.

Booliiska Waqooyiga Jutland ayaa sharraxaad ka bixiyay in dambiilayaasha haysta lacag badan ay isku dayi karaan inay dadka kale ku qanciyaan inay lacagtaas dhigaan bangiyada iyagoo beddelkooda lacag siinaya. Haddii qofku caawiyo dambiile lacag dhaqid ku lug leh, waxaa laga yaabaa inuu qayb ka noqdo dambi weyn oo dhaqaale, taasoo keeneysa inuu helo diiwaan dembiyeed iyo ganaax ama xabsi.

Sidaa darteed, booliisku waxay ku talinayaan in la diido haddii qof shisheeye ah kaa codsado inaad ka caawiso dhigista waraaqaha 1000-krone ee xisaab bangi. Bangiga Qaranka ayaa ku dhawaaqay in la joojin doono isticmaalka waraaqahan ilaa 31-ka May 2025.

Category