Madaxweynaha Kenya oo nin Soomaali ah u magacaabay madaxa waaxda dambi baarista

Nairobi (RH)-Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Maxamed Ibraahim u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baariska ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI.

Amiin ayaa horay u ahaa madaxa boolika ee wasaaradda Arrimaha gudaha.

DCI-da Kenya ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

Xiggasho: BBC

Category